Sal the Salmon halkan. Waan ogahay inaad DUL SAARAN TAHAY saxmadda West Seattle. Laakinse waxan u hayaa war wanaagsan dadka ku nool ama ka shaqeeya West Seattle iyo South Park iyo Georgetown: kaalmo ayaa jidka ku soo jirta. Waxan ka hadlayaa raacitaan lacag la’aan ah, siminaaro, taageero dhaqameed, qalab farsamo…habab cusub ood ku beddeli karto socdaalladaada dibna ugu soo ceshan karto safarradaadii.
Haddaba u samee naftaada axsaan isuna diiwaan geli maanta inaad hesho raacitaannada lacag la’aanta ah Dibna usoo Cesho Socdaalladaada xilligan deyrta.
Flip Your Trip ama Rog Socdaalkaaga waa olole ay waddo Waaxda Gaadiidka Seattle (SDOT), oo taageeraya dadka ku nool ama ka shaqeeya Galbeedka Seattle iyo South Park iyagoo isticmaalaya habab socdaallo kala duwan xilliga dayactirista Buundada Galbeedka Seattle.