
Maxey Hey’adaha Gaadiidka kuu Qabayaan?
Si dadku iyo alaabuhu ugu socdaan si nabad ah oo mug leh dhamaan Seattle, Magaaladu waxey maal-gelisay mashaariic iyo barnaamijyo si ay u fududeyso culeyska kororkeena xooggan iyo dib u horumarinta.
Sida aad ugu safreyso hareeraha Seattle way isbeddeloysaa. Waa waqtigii qorshe la sameysan lahaa.
Maalin kasta, Magaalada Seattle waxey labaduba ka shaqeysaa iney xoojiso kaabayaasha socodka gaadiidkeena iyo mashaariic horumarineed yar iyo weyn iyo iney hubiso in waddooyinkeenu ay ammaaan ahaadaan sanooyinka soo socda. Halkan waxan u joognaa inaan kugu caawino dhex qaadka magaaladeena siiba halka caqabadaha ugu badan ka jiraan.

Galbeedka Seattle
Ilaa intii la xiray Buundada Sare ee West Seattle Maaris 2020, helitaanka jidad oo midkiiba yareyn kara ciriiriga meelaha ka jira — haddii ay tahay baaskiileyn, qaadashada baska, dad aad la raacdo ama joogitaan xaafadda—waxey muhiim u tahay in dadku iyo alaabuhu si sahlan isugu socdaan. Sahmi waxyaabaha kale eed heli karto.




Downtown
Iyadoo dadku ku noqonayaan shaqooyinka ganacsiyaduna dib u furmayaan, hey’adaha gaadiidka iyo isu socodka magaalada waxey ka shaqeynayaan iney hubiyaan in gaadiidka iyo isu socodku ahaadaan kuwo mug leh iyo nabad u ah dadka ku socdaalaya.


Magaalada Seattle, Waaxda Gaadiidka Gobolka Washington, King County Metro, Sound Transit, iyo Dekedda Port of Seattle wey wada shaqeynayaan si ay dadka iyo alaabaha si badbaado ah ugu dhaqaajiyaan. Waxanu shaqeynoynaa saacad kasta si aanu kugu caawinno inaad u diyaar garowdo ood dhex qaaddo saameynta dhismaha inagoo kugu wargelin doonna si aad ugu talo gasho.