Flip Your Trip – Downtown – FAQ (SO)

Su’aalaha Inta Badan La Isweydiiyo

Waa maxay barnaamijka Flip Your Trip?

Flip Your Trip waa barmaanij lagu dhiiragalinayo dadku inay kaxeystaan gawaarida oo lagu taageero inay isku dayaan siyaabo kale oo ay ku socdaalaan (ay ku wareegaan).

Halkee ayuu ka [Flip Your Trip]dhacayaa 2023?

2023, [Flip Your Trip]waxa uu ka dhacayaa bartamaha magaalada Seattle iyo agagaarkeeda:

  • Uptown
  • South Lake Union
  • Capitol Hill
  • Pike/Pine
  • Denny Triangle
  • Belltown
  • Commercial Core
  • First Hill
  • Pioneer Square
  • Chinatown/International District
  • Pioneer Square

Yaa u qalma (xaq u leh)?

Barmaanijka waxaa loogu talagaley inuu u adeego dadka kuwaasoo:

  • U safro bartamaha magaalada iyo agagaarkeeda (eeg khariidadda) ugu yaraan hal mar todobaadkii.
  • Hadda kaligaa wad inta badan marka aad soo galayso magaalada hoose.
  • Ma heysatid kaarka (kaadhka) baska bilaashka ah ama kan la qiimaha dhimey ee ka yimid shirkad loo shaqeeyo

Maxaa dan iigu jira?

$25 waa qiimo gaadiid-raac ah! Tan waxaa lagu dabaqi karaa gaadiid kasta oo maxalli ah (bas, tareen fudud, iwm.). Haddii aad isticmaalayso barnaamijka Tigidhada Transit GO, waxaad xitaa isticmaali kartaa mooto-scooter iyo baaskiilada elektaroonigga ah ee aad ku aragto agagaarka magaalada.

Sidee baan isku diiwaan galiyaa (isku qoraa)?

Tag FlipYourTrip.org/Downtown halkaas baad iska diiwaangalin kartaa adoo buuxinaya foom fudud si’aad u xaqiijiso inaad u qalanto oo aad balan ku qaadeyso inaad ku badasho ugu yaraan safar kaligiis ah asbuucii hal mar ah ikhtiyaar kale. Maalin gudaheed oo aad isdiiwaan geliso, waxaad heleysaa iimeyl soo dhaween ah oo ay la socoto macluumaadka tallaabooyinka xiga ee helitaanka safaro (socdaalo) bilaash ah.

Miyaan dalbadaa (codsadaa) ORCA kaadhka mise Transit Go Ticket App?

Markaad isdiiwaan geliso, waxaa lagu waydiinayaa inaad xulato socdaalo bilaasha ah oo Orca kaadh la diyaariyey oo ay ku jirto $25, adoo isticmaalya Transit Go Ticket app. Waa kuwan kuwo ka mid ah tixgelinada lagu hagayo xulashadaada marka aad dalbato.

Xulashada ORCA Kaadhka ayaa lag yaabaa inuu kuufu haboon yahey:
  • Ma heysto taleefan casri ah iyo qorshe xogeed
  • Leedahey aqoon af Ingiriis oo kooban (xadidan) (mareegtan hada waxaa laga heli kraa af Igiriis oo kaliya)
  • Si fudud u doorbid kaarka ORCA
  • Ma xiisaynayso helitaanka dhibcaha bilaashka ah ee mootooyinka la wadaago ama baaskiilada elektaroonigga ah
  • Si joogta ah u isticmaal wareejinta gaadiidka (hadda suurtagal maaha app Transit GO)
Xulashada mareegta Transit Go Ticket ayaa kuu fiicnaan karta hadii aad:
  • Hastaa taleefan casri ah iyo qorshe xogeed
  • Aad ugu qanacsan tahay abka cusub AMA horay u haystay barnaamijka Transit GO
  • Waxaad rabtaa safaro bilaash ah  mootooyinka la wadaago ama baaskiilada elektarooniga ah
  • Aad u yaqaan af Ingiriiska

Waxaan iska diiwan galiyey mareegta onleynka balse maanan helin iimeyl soo dhaweyn ah

Ugu horeyn, ka hubi spam iimeylkaga ama galka boostada jaankiga si’aad u hesho iimeylka cinwaankiisu yahey “Ku soo dhawoow Flip Your Trip” kaaga yimid info@FlipYourTrip.org..hadii aadan wali helin, fadlan iimeyl noogu soo dir info@FlipYourTrip.org si’aad u hesho caawinaad.

Waa maxay sababta caruurta ka yar 19 jirka aysan u qalmin (xaq u laheyn) ololaha Flip Your Trip?

  • Flip Your Trip waxaa loogu talagaley dadka da’doodu tahey 19 jir ama ka weyn.
  • Dhalinyarada 18 jirka ah ama ka yar horey bay xag ugu yeesheen gaadiidka BILAASHKA ah, oo uma baahna kabid gaadiid.
  • Safarada bilaashka ah ee Flip Your Trip waxaa laga soo furan karaa shirkadaha mootooyinka la wadaago iyo baaskiilada elektarooniga ah kuwaasoo oo ay heli karaan dadka da’doodu tahey 18 jir ama ka weytn. Tani waa meesha lagu ilaalayo dhalinyarada iyo kuwa kale xag jireed, sharci iyo khataro maaliyadeed.

Halkee baan u doontaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan xulashooyinkeyga gaadiid?

Si’aad u sahamiso xulashooyinkaaga socdaal, ka eeg fursadaha waaweyn bogeena Flip Your Trip

Miitarka Safarka Sal

2207 Ballanqaadyo

13238 Safarrada "la beddelay" isbuucaan

Baska
1790
Tareenka fudud/tareen/gaariga wadada
1552
Tagsi biyoodka/ doon
290
Baaskiil /baaskiilka electarooniga ee la iska kaxaysto
393
E-mootada/e-baaskiil la wadaago
441
Socodka
859
Baabuur-lawada/Caasi (faan) lawada raaco
347
Mid kale
14