Maritaanka Buundada Hoose

Nagu caawi inaan u firaaqeyno (buundada hoose) ee Spokane St Swing Bridge baabuurta gurmadka deg-degga ah, basaska, iyo xamuulka culus.

Buundada hoose imika way ka xiran tahay baabuurta aan loo oggoleyn maalmaha toddbaadka laga bilaabo 5-ta subax ilaa 9-ka fiidkii iyo dhamaadka toddobaadka 8-da subax ilaa 9-ka fiidkii. Jidadka kale ee kuu furan waxa ka mida Buundada 1st Ave S Bridge ama South Park Bridge. Haddii aan laguu oggoleyn inaad isticmaasho Buundada hoose, waxad heli doontaa ganaax $75 doolar ah mar kasta ood ku safarto. Warar intaa ka badan, u iimeel garee lowbridgeaccess@seattle.gov ama halkan riix.