Dhaqdhaqaaqa Dhallinyarada

Gaadiidka

  • Carruurta da’doodu tahay 5 iyo wixii ka hooseeya waa u bilaash inay raacaan.
  • Dhammaan dhalinyarada da’doodu tahay 6 – 18 waxay u qalmaan qiimo dhimis qoto dheer iyagoo isticmaalaya kaararka Dhalanyarada ee ORCA.
  • Dhammaan ardayda dugsiyada dhexe iyo sare ee Seattle waxay u qalmaan isticmaalka bilaashka ah ee aan xad lahayn ee ORCA Opportunity Youth Pass.
  • Ardayda Kulliyada South Seattle waxay u qalmaan kaarka ORCA ee ardayda oo si qoto dheer loo dhimay.
  • Helitaanka Adeegga Baska ee Dugsiyada Dadweynaha Seattle waxay ku xidhan tahay heerka fasalka, inta ardaydu ka fug yihiin dugsiga, iyo shuruudaha kale ee u-qalmitaanka.
  • Ardayda dugsiyada gaarka loo leeyahay waxay ka heli karaan kaararka Dhalinyarada ee ORCA iyaga oo sii mara King County Metro. Kaararka isticmaalka aan xadidnayn ee bilaha ah waxaa lagu dari karaa kaararka dhalinyarada ee ORCA $54 bishii. Haddii ardaygaagu uu qorsheynayo inuu raaco gaadiidka uu u socdo ama ka soo socdo dugsiga maalin kasta, tani waa ikhtiyaarka ugu kharash-oolsan.
  • Kala hadal carruurtaada badbaadada iyo amniga. Waa kuwan qaar ka mid ah talooyinka Metro si loo taageero wada hadalkaas.

Baabuur la walaagaayo iyo van la walaagaayo

  • Dugsiyo badan ayaa qabanqaabiya wadaagida baabuurka weydii dugsigaaga ama kooxda waalidka wixii macluumaad dheeraad ah.
  • Dhallinyarada ka yar da’da 18 sano waxay raaci karaan van-wadaagida ee Metro haddii uu la socdo ilaaliyaha sharciga ah.
  • Dadka waaweyn ee masuulka ka ahayaa mas’uul ka ah bixinta kuraasta badbaadada ee ku habboon raacayaasha dhalinyarada.
  • Ka eeg bogga Gaari-wadaagida Galbeedka Seattle ee degmada King si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan wadaagida vanka.

Socodka iyo Baaskiilka

Mootada iyo Wadaaga Baaskiilka

  • Dhammaan iibiyaasha baaskiillada iyo mootooyinka deegaanka waxay u baahan yihiin in isticmaalayaashu ay ahaadaan 18 ama ka weyn. Tan waxaa lagu sheegay Shuruudaha iyo xaalado aad ogolaatay markaad akoon ka samaysanayso shirkad kasta.
  • Carruurtu waa in aanay raacin mootada elektaroonigga ah iyada oo ay la socdaan hawl-wadeennada waaweyn. Iibiyeyaasha mootooyinka waxay caddeeyaan in mootada hal hal qof oo keliya loo oggol yahay oo sababo ammaan dartood.