Adeegyada Caafimaad ee Xaafadda

Halkii aad gaari u wadan laheyd First Hill ama ka shishe, ka fakar inaad sameysato ballan dhaqtar ama daryeel caafimaad adigoon ka gudbin webiga:

Free COVID-19 Testing: Qof kasta oo ku nool, ka shaqeeya, ama si joogto ah u booqda Seattle wuxuu heli karaa baaritaan COVID lacag la’aan ah. Baaritaanku wuxuu diyaar yahay iyadoon aan la eegin dhalasho/xaaladda dal ku soo galka. Baaritaanka COVID-19 waa lacag la’aan. Ceymis ama inshuuransi looma baahna. Haddii aad qabto inshuuransi Medicare ama Medicaid waa inaad warkani keentaa, UW Medicine ayaa ku dallici doonta. Adiga waxba laguguma dallacayo. Uma baahnid inaad leedahay inshuuransi ama warqad dhaqtar si aad ballan u dhigato.