Shaqada iyo Iskuulka Dibadda ah

Si shaqada looga sii wado aqalka waa mid ka mida waddada ugu fiican ee lagu fududeyn karo ciriiriga ka jira gawaarida ama jidadka lagu leexdo ee ka dhashay xiritaanka Buundada Sare ee West Seattle. Haddii aad awoodid inaad fogaan ka soo shaqeyso, ka faa’iideysato qaar ka mida dhiiri-gelinta hoose iyo adeegyada diyaarka u ah dadka deggan iyo qoysaska ku nool West Seattle.

Commute Seattle waa lamaane Magaalada oo ka caawini kara ganacsigaaga inuu dhiso qorshe kale oo lagu socdaalo (tusaale, teleefan ku shaqeyn, jadwal sahlan, shaqada toddobaadka oo la isku qabto, xafiisyo dibadda ah, gawaari la wada raaco, barnaamijyo basaska, iyo socdaalis waxtar ah) ee shaqaalahaaga West Seattle.

Helitaan Internet Qiime Hoose wuxuu diyaar u yahay dadka degaanka waxana bixiya dhowr shirkadood oo ku siiya adeeg internet Seattle qiyaas $10 doolar bishii.

Maktabadaha Dadweynaha waxey bixinayaan adeegyo waddada dhinaceeda ah, oo ay ku jiraan labo goobood oo West Seattle ah - Southwest Library (9010 35th Ave SW) iyo High Point Library (3411 SW Raymond). Laamahaasi laybareeriga waxey sidoo kale bixiyaan adeeg daabacaad waddada dhinaceeda iyo ka qaadasho. 

Xfinity free Wi-Fi hotspots waxey hadda diyaar ku yihiin rugaha ganacsiga iyo goobaha dibadda ah si lacag la’aan ah si dadku u isticmaalaan. Waxad ka heli kartaa app-ka moobeylka (iOS | Android) ama baaraha web browser (ku qor sib-kooda ee xagga hoose ee bogga si u hesho maab meelahaaga u dhow).

Kombiyuutaro dheeri ah lacag la’aan ah waxey diyaar u yihiin hey’adaha samo-falka ee dadka u adeega ee fadhigoodu yahay Seatte iyo iskuullada u shaqeeya dadka deggan Seattle. Haddii kooxdaadu tahay hay’ad 501(c)3 nonprofit oo u adeegta dadka deggan Seattle, waxad u qalmi kartaa inaad hesho kombiyuutarro dheeraad ah.

Kombiyuutarro qiime jaban, waxey diyaar ku yihiin bahwadaagta Magaalada oo weliba Internet leh. Barnaamijkan wuxuu bixiyaa $99 computaro laabtob dib loo habeeyey, kuwa miiska la saaro, kuwa shaashaddoodu fidsan tahay, kuwa gacanta, iyo laabtobyo heerkoodu sarreeyo.

Ismart Foon Qiime Jaban iyo adeeg telefoon bille ah oo qiime jaban waxa u qalma macaamiisha nolosha dakhliga hoose.