Taxaddar Isticmaal

Xiritaanka Buundada Sare ee West Seattle waxey dadka deggan waddooyinka lagu leexdo iyo xaafadaha Duwamish Valley ku abuurtay saxmad iyo naqas hawo xumo ah, sida Highland Park, Roxhill, South Delridge, Roxbury, Georgetown, South Park iyo SODO.

Marka ay tahay waqtiga safarka, socodka ama kaxeynta, baaskiileyn ama mooteyn, raacidda baska, wada raacista faanka, ama joogista xaafadda, oo dhamaantiin idiin ka badbaadin karta madax xanuunka dhex fadhiga ciriiriga jidka iyo difaaci karta caafimaadka xaafadda ay ku nool yihiin bulshooyinka ay saameysay.

Ma inaad waddaa? Indhaha ku hay caruurta iyo waalidiinta u safraya/ka soo noqonaya iskuulka maalinta oo dhan, hubi kaamerooyinka waddada inta aadan bixin, ka fakar inaad wadato waqtigu mashquulku yar yahay.

Xawaaraha loo xaddiday dhammaan waddooyinka la deggan yahay (aan halbowlaha aheyn) waa 20 MPH. xawaaraha loo xaddiday waddooyinka halbowlayaasha waa 25 MPH, haddii aaney jirin calaamad kale.

Xawaareynta waa tan ugu weyn ee qatarta iyo soo noq-noqodka shilalka iyo dhibaateynta ama dilka dadka.

Darawallada waxa looga baahan yahay iney dadka u oggolaadaan socoda, wata, baaskiileyn, ama mooteyn si ay jidka uga gudbaan halka loo calaamadeeyey IYO meelaha aan calaamadda laheyn.

Qabooji oo raac xawaaraha la xadiday. Xawaareynta wax bay dishaa.

Markaad leexaneyso, u oggolow dadka soconaya, ku wata, baaskiileynaya, iyo mooteynaya.

Sharciga ayey ka horjeeddaa inaad tekest ama telefoonka gacanta lagu hayo aad isticmaasho markaad waddo.

Ku wadidda iskuullada agtooda

Iyadoo iskuulladu dib u furmayaan iyo waqtiga la galayo ama laga baxayo isu dheelli-tirneyn, waxad arki doontaa waalidiinta iyo caruurta soconaya, baaskiileynaya ama u ordaya ama ka imanaya iskuulka. Qaar ka mida waddooyinka la deggan yahay ee u dhow iskuullada waxa laga yaabaa iney noqdaan Stay Healthy Streets si firaaqo loo siiyo dadka iney isku kala bixiyaan waqtiga geynta ama soo qaadista. Hey’adaha waalidiinta iyo bulshada: ma ogeyd iney jirto ilo diyaar ah si aad u abaabusho ama u taageerto