Flip Your Trip 2023 – About [so]

Ku saabsan

Flip Your Trip waa barnaamij ay bilawday Waaxda Gaadiidka Seattle (SDOT) si ay u dhiirigeliso una taageerto isticmaalka gaadiidka dadweynaha, rakaab-wadaagista, socodka, baaskiilka, iyo iskuut-gareynta. SDOT waxay hiigsaneysaa inay yareyso ku-tiirsanaanta baabuurta hal qof ay wataan si loo waafajiyo sinnaanta, badbaadada, dhaqdhaqaaqa, iyo yoolalka joogteynta ee magaalada. Kooxda Doorarka Gaadiidka SDOT waxay maamushaa barnaamijka Flip Your Trip si ay u bixiyaan macluumaadka iyo dhiirigelinta beddelka wadista kaligaa.

YouTube

La kulan Sal the Salmon

Sal the Salmon waa wajiga iyo codka Flip Your Trip. Waxay aad u xiiseysaa in bini’aadamka lagu xiro siyaabo badan oo lagu socdaalo. U ogolow inay kugu hagto dooarka gaadiidka ee ku habboon baahiyahaaga!

YouTube

Illaa hadda, waxa aanu xooga saarnay ololeyaasha xaafadaha, kuwaas oo bixiyay xalal habaysan si loo yareeyo ciriiriga iyo dhiirigelinta safarka habsan. Hoos ka daawo ololaheenii hore.

Xiritaankii Maarso 2020 ee Buundada Sare ee West Seattle waxay meesha ka saartay wadadii koobaad ee Galbeedka Seattle, taas oo ay qaadi jireen in ka badan 100,000 safar-gaari maalinle ah. Flip Your Trip West Seattle wuxuu ku wajahay xiritaanka barnaamij ikhtiyaari socdaal oo dhinacyo badan leh kaas oo taageero siiya deganayaasha iyo shaqaalaha West Seattle, iyo sidoo kale bulshooyinka ay saamaysay ee leexinta ee South Park iyo Georgetown.

Ka qaybqaatayaasha u qalma ee ballan qaaday inay beddeshaan safarkooda waxay heleen $25 oo bilaash u ah gaadiid-raaca iyagoo ku helaya barnaamijka aabka Transit GO Ticket ama kaadh ORCA ah.

*Nuxurka Barnaamijka

*Ingiriis keliya ku qoran

YouTube

Ololaha Flip Your Trip Center City wuxuu diiradda saaray dhisidda wacyigelinta doorarka safarka ee dadka magaalada hoose si ah joogtada ah u aada kuwaasoo aan ka helin kaararka ORCA loo shaqeeyahooda. Hadafku wuxuu ahaa in lagu dhiirigaliyo baabuurleyda si ay u doortaan qaab gaadiid aan ka ahayn wadista keligood, xoojinta ballanqaadyada shakhsiyeed ee ah inay beddeshaan safarkooda, iyo abuurista caadooyin bulsho oo muuqda oo ku saabsan doorashooyinka safarka. 

Ka qaybqaatayaasha u qalma ee ballan qaaday inay beddeshaan safarkooda waxay heleen $25 oo bilaash u ah gaadiid-raaca iyagoo ku helaya barnaamijka aabka Transit GO Ticket ama kaadh ORCA ah.

*Nuxurka Barnaamijka

*Ingiriis keliya ku qoran

YouTube