Flip Your Trip 2023 – Transit [so]

Gaadiid

U ogolow qof kale in baabuur-wadista kuu sameeyo! Waxaa jira doorar badan oo gaadiid dadweyne oo ka jira Seattle, oo ay ku jiraan baska, tareenka streetcar-ka, tareenka dheereeya, tareenka rakaabka, tagsiga biyaha, iyo doonta weyne ferry-ga ah. Hoos ka ogow doorashooyinka lacag bixinta, qorsheynta jidkaaga, barnaamijyada gaadiidka la caawiyay, iyo in ka badan.

  • Aaladaha Raacaha – Hagaha King County Metro si uu kaaga caawiyo qorsheynta safarkaaga adoo isticmaalaya adeegyada Metro.
  • Khariidadaha Google – U adeegso Khariidadaha Google-ka si aad u aragto xulashooyinka safarka, waddooyinka, jadwallada gaadiidka, iyo khariidadaha qad la’aanta, oo lagu daro wakhtiga ugu fiican ee aad booqan karto meel, iyo in ka badan. Waxaa laga heli karaa webseytkeena, shabakada, iyo qaabka aabka ee Android iyo iPhone. 
  • *One Bus Away – Aab loogu talagalay Android iyo iPhone kaas oo bixiya macluumaadka gaadiidka waqtiga-dhabta ah.
  • *Qorshaha Safarka Metro – Qorshee safar, arag wakhtiyada bixista soo socda, oo arag boosaska baabuurta wakhtiga dhabta ah.
  • Khadka Macluumaadka Gaadiidka ee Hopelink – Waxay bixisaa taageero gooni-gooni ah si loo helo ikhtiyaarrada gaadiidka gaarka ah ee ku habboon baahiyaha macaamiisha, waddooyinka gaadiidka dadweynaha, iyo qorshayaasha safarka ee gaarka ah.
  • Si aad qof kala hadasho kaalmada qorsheynta safarka:
    • Ka wac adeegga macaamiisha King County Metro 206-553-3000, Isniinta ilaa Jimcaha, 6:00 subaxnimo ilaa 6:00 galabnimo. IHaddii aad u baahan tahay turjumaan, taabo 1 si aad ula xiriirto qof ku hadla luqadaada. Rakaabka maqalka naafada ka ah waxay wici karaan WA Relay 711.
    • Ka wac adeegga macaamiisha Sound Transit 888-889-6368, Isniinta ilaa Jimcaha, 8:00 subaxnimo ilaa 6:00 galabnimo. Haddii aad u baahan tahay turjumaan, wac 1 (800) 823-9230 oo sheeg luqadaada. Rakaabka maqalka naafada ka ah waxay wici karaan WA Relay 711.

*Ingiriis keliya ku qoran

  • *Kaarka ORCA – Kaarka loo isticmaalo dhammaan bixiyeyaasha gaadiidka ee gobolka Puget Sound.
  • *Qiimaha dhimista ORCA – Baro qiimaha dhimista ee barnaamijyada kaadhka ORCA.
  • *Youth ORCA Card – Kaarka loogu talagalay dhalinyarada 18 ama ka yar si’ay bilaash ugu raacaan dhammaan hay’adaha ka qaybqaata.
  • *Aabka Transit GO Ticket – Aab loogu talagalay Android iyo iPhone si toos loogu iibsado tigidhada King County Metro, Taxi Water, Sound Transit, tareennada Sounder, Kitsap County, iyo Seattle Streetcar adoo isticmaalaya credit card, debit card,, ama lacagta caddaanka ah.
  • Sida loo bixiyo: King County Metro – Hagaha ikhtiyaarka lacag bixinta King County Metro ee isticmaalka baska, Metro Flex, iyo Water Taxi.
  • Sida loo bixiyo: Sound Transit – Hagaha xulashooyinka lacag bixinta Transit Sound ee isticmaalka tareenada Sounder, basaska ST Express, iyo tareenka fudud ee Link.

*Ingiriis keliya ku qoran

Ogow: Rakaabka loogu talagaley, shirkado badan oo loo shaqeeyo ayaa bixiya faa’iidooyinka gaadiidka. Weydii cidda aad u shaqayso haddii aad u qalanto kaarka ORCA.

Adeegyada gaadiidka waayeelka iyo dadka naafada ah

  • Adeegyada iyo barnaamijyada King County – Liiska adeegyada socodka la heli karo ee ay bixiso Degmada King.
  • *Hopelink Find a Ride – Ilaha gaadiidka ee askarta hawlgabkaa, waayeelka, dadka naafada ah, shakhsiyaadka dakhligoodu hooseeyo, iyo kuwa kale.
  • Gaadiidka Hopelink Medicaid – U-qaadista iyo ka noqoshada ballamaha caafimaadka ee dadka haysta Medicaid.
  • Hyde Shuttles – Gaadiidka caasiga ee dadka waaweyn iyo dadka waaweyn ee naafada ah ee King County oo dhan.
  • Metro Flex – adeegga gaadiidka ee isla-markaas ah kaasoo bixiya raacitaanka xaafado badan ee King County. ADA-baabuurta loogu talagalay macaamiisha leh kuraasta curyaamiinta iyo qalabka kale ee dhaqdhaqaaqa ayaa diyaar ah.

*Ingiriis keliya ku qoran

*Ingiriis keliya ku qoran