Ku saabsan
Flip Your Trip waa barnaamij ay bilawday Waaxda Gaadiidka Seattle (SDOT) si ay u dhiirigeliso una taageerto isticmaalka gaadiidka dadweynaha, rakaab-wadaagista, socodka, baaskiilka, iyo iskuut-gareynta. SDOT waxay hiigsaneysaa inay yareyso ku-tiirsanaanta baabuurta hal qof ay wataan si loo waafajiyo sinnaanta, badbaadada, dhaqdhaqaaqa, iyo yoolalka joogteynta ee magaalada. Kooxda Doorarka Gaadiidka SDOT waxay maamushaa barnaamijka Flip Your Trip si ay u bixiyaan macluumaadka iyo dhiirigelinta beddelka wadista kaligaa.

La kulan Sal the Salmon
Sal the Salmon waa wajiga iyo codka Flip Your Trip. Waxay aad u xiiseysaa in bini’aadamka lagu xiro siyaabo badan oo lagu socdaalo. U ogolow inay kugu hagto dooarka gaadiidka ee ku habboon baahiyahaaga!
Illaa hadda, waxa aanu xooga saarnay ololeyaasha xaafadaha, kuwaas oo bixiyay xalal habaysan si loo yareeyo ciriiriga iyo dhiirigelinta safarka habsan. Hoos ka daawo ololaheenii hore.