Flip Your Trip 2023 – Landing [so]

Hagahaaga ku soo wareega Seattle

Haddi aad ku safrayso dhulka ama badda, Seattle waxa ay haysataa doorashooyin gaadiid oo kala duwan si ay kuu geeyaan meeshaad u socoto. Boggani ha kuu noqdo hagahaaga si aad ugu wareegtid Seattle gaadiidka, baaskiil wadida, iskuut-gareynta, gaari-wadaaga, baabuurka la isla-raaco, iyo lugeynta.

Dhammaanteen waxaan leenahay door aan ku ciyaareyno yareynta qiiqa shidaalka, hagaajinta tayada hawada, yareynta ciriiriga taraafikada, iyo taageeridda xulashooyinka safarka caafimaadka leh ee dhammaan. Safar kasta oo aad beddelato, kaliya ma’aha inaad saameyn wanaagsan ku samaynayso bulshadaada, laakiin waxa laga yaabaa inaad hesho habncusub ee aad jeceshahay inaad ku socdaasho (wareegto).